Diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha dowlada federaalka soomaliya maxamed cabdulahi farmaajo ayaa laga dareemayey tan iyo shaley magaalada baydhabo ee gobolka bay waxana saakey garoonka diyaaradaha ee magaalada baydhabo u soo dareerey bulsha weynta qeybahooda kala duwan iyagoo raba iney soo dhaweeyaan madaxweynahooda
Garoonka ayaa mashquul aad u weyn laga daremaayey waxaana soo dhaweynta madaxweynaha ka qeyb galey dhamaan madaxda maamulka koonfur galbed oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif xasan sheikh aadan
Markii ay soo caga dhigatey diyaaradii sidey madaxweyne farmaajo waxaa ugu horeynba ay isasalaameen madaxweyne shariif xasan sheikh aadan
Isagoona socod dheer ku marey garoonka oo uu gacan qaadey dhamaan bulshadii u taagneyd soo dhaweyntiisa ioyagoo ku soo dhaweynaayey ereyo ay ka mid yihiin madaxweyne soo dhow ku soo dhowow baydhabo janaay
Soo dhaweyn ka dib madaxweynaha iyo wefdigii uu hogaaminaayey oo ay ka mid ahaayeen waziirka gaashaan dhiga waziirada Caafimaadka Wasiirka Gargaarka ka hortaga iyo masiibooyinka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka koon fur galbeed waxaa ay kulan daqiiqado ah xarunta madaxtooyada iskula qaateen madaxda maamulka koonfur galbeed
Intaasi ka dib waxaa madaxweynaha uu bulshada qeybaheeda kala duwan kula Hadley howl weyn oo ka tirsan aqalka madatooyada ugu horeyna waxaa hadl kooban oo soo dhaweyn ku aadan qaatey madaxweyne shariif xasan sheikh aadan
Maxamed cabdulahi maxamed farmaajo ayaa hadalka qaatey waxaana uu ka Hadley ujeedada uu u soo gaarey baydhabo iney ka mid tahay sidii umadan uu ula qeybsan lahaa abaaraha ka jira deegaanadan iyo sidii loo furu lahaa wadada dheer ee xiriirisa baydhabo iyo magaalada caasimada ah ee muqdisho
Maajo Waa markii u horeysey oo uu soo gaaro madaxweyne farmaajo baydhabo tan iyo intii loo doortey xilka madaxtininmo waana magaaladii ugu horeysey ee uu ku tago booqasho guda soomaliya
https://www.youtube.com/watch?v=6AoFF4lDqzk