Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Maamulka Seddexda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu ku booqday Cusbitaal ku yaalla Magaalada Baydhabo dad dhawaan ku dhaawacmay weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaaladaasi.
Ugu horeyn waxa saxaafada kula hadlay gudaha Cusbitaalka Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Gobolka Bay C/llaahi Maxamed Aadan isagoo sheegay in xaalada bukaanada ku jira Cusbitaalkaasi ee dhaawacyada qaba ay xaaladooda kasoo yara wanaagsanaaneyso sidii hore.
Halkan Daawo
Waxa uu Agaasime Aadan sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada uu ugu tagey Madaxweynaha Maamulka Seddexda Gobol ee K/Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Idale News Online, Baydhabo