Afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada maamulka KMG ee Kismaayo ayuu sheegay inay soo dhoweynayaan dhismaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee ka kooban Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Waxa uu sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaameen dagaalada weli ka soconaya qeybo kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose oo salka ku haya arrin qabiil.