Jiddah(INO)-Ururka Mutamarka Caalamka Islaamka Gaar ahaan Xafiiskiisa Dalka Soomaaliya Ayaa Heshiis la galey, Xarunta Banaadir Ee Aqoon iswadeydaarsiga, Dhaqanka iyo Horumarinta Bulshadda Soomaaliyeed iyo weliba TV-ga Caalamiga ah Ee Somalichanell.
Ex. Xildhibaan Mudane Cismaan Buube Yuusuf Roobe oo ah Wakiilka Ururka Mutamarka Calaamka islaamka ee Xafiiska Soomaaliya iyo Geeska Afrika , isla markaana ah Xubin ka tirsan Gollaha Mutamarka ee Caalamka Islaamka ayaa Ka war-Bixiyey wax- yaabihii ay ku heshiyeen.
“Maanta waxa Farxad inoo ah Hadii aynu nahay Ururka Mutamarka Ee Calamka islaaamka, Xafiiskisa Soomaaliya in aan Heshiis aan la galno, Xarunta Banaadir Ee aqoon isl weydaarsiga, dhaqanka iyo Horumarinta Bulshadda, waxaan heshiis ku gaarney in aan isku kaashano arimaha dhaqanka iyo inaan Asliyeeyno Wadahadlka Bulshadda, Waxbarashadda iyo aqoonta, anigoo hubo in aynu wax badan u fududeyn doono umadda Soomaaliyeed, bacdamaaa aynu nahay Hay’adaha Bulshadda Rayidka, waxaan go’aansaney in aan kaalin muhiim ah ka qaadano Wanaaga iyo Horumarka umadda Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mudane Ex. Xildhibaan Cismaan Buube Yuusuf Rooble.
Sidoo kale, waxaa halkaasi ka Hadley ka dib heshiiska, Agaasimaha Xarunta Banaadir ee aqoon is weydaarsiga, Dhaqanka iyo Horumarka Bulshadda, Mudane Maxamed Xuseen Qaasim Naaji( Shombe)
“ Haa, waa runtaa, shirkani waxa inooga soo dhamaadey sidii aan ugu tala-galney waxaan rajeynaya inuu noqodo shir ay ka faa’ideystaan Shacabka Soomaaliyeed hadii ay noqoto Gudaha iyo dibadda, marka isha allah waxaan u mahadcelinaya Gudoomiyaha Xafiiska Soomaaliyeed ee Gollaha Mutamarka Ee Caalamka Islamaanka Mudane Cismaan Buube Yuusuf Rooble oo inoo fududeeyey in maanta aan halkan ku dhameynayno tawqiicgii ama Saxiixi kama dambeyska ahaa” ayuu yiri Agaasimaha Xarunta Banaadir Mudane Maxamed Xuseen Qaasim Naaji.
Dhanka kale, Waxaa isna hadal kooban ka yiri Heshiikii ay wada Gaareen Xarunta Banaadir ee e aqoon is weydaarsiga, Dhaqanka iyo Horumarka Bulshadda iyo TV-ga Somalichanell , Madaxa TV-ga Somalichanell Ee dalalka Carabta iyo Afrika Mudane C/raxmaan A. Abanuur.
“Heshiiska waxa ka mid ahaa in la badiyo Barnaamijyadda Diiniga ah, wada-Hadalka, Dhaqanka iyo Sports-ka, Heshiiskan hadda waxa uu yahay mab-da’iyan “Ta’thiiru Thaqaafatul Xiwaar”, insh allaha waxa jiri doona kulamo kale” Ayuu yiri Madaxda TV-ga Somalichanell dalalka Carabta iyo Afrika Mudane C/raxmaan A. Abanuur.
Ugu dambeyntii ururka Motamarka Ee Caalamka Islaamka Ee Xafiiskiisa Dalka Soomaaliya waxa uu qiib- weyn ka qaadaya Wacy-galinta Bulshadda, Arimaha gargaarka, Geeda Socodka Nabadda Soomaaliya iyo dhaqanka Suuban.
Halkan Ka Daawo
Idale News Onlin, Jiddah