Wanleweyn(INO)-Ururka Gargaarka Ee Arlaadi Aid uu fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa Dugsi Hoose iyo dhexe ka furey degmada Wanleweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xaflada Furitaanka Dugsigaasi ayaa waxa ka Soo qiib galey, Maamulka Iskuulka Waalidiin iyo weliba ardeyda looga tala galey inay wax ka baran Doonaan Dugsiga Hoose iyo Dhexe Ee ARLAADI ee Degmada Wanleweyn.
Iskuulkan ayaa ah mid bilaash ah isla markaana waxaa looga talagaley inay wax ka baran Doonaan Caruur Tiro badan oo danyar ah iyo Weliba Agoomo kuwaasoo ku Dhaqan Degmada Daafeet oo sidoo kale waalidiintoodu aysan aboodin Khidmada iskuulka.
Xasan Cali , oo ah Maamulaha Dugsiga cusub ee Arlaadi Primary ee degmada wanleweyn ayaa u mahadceliyey ururka arlaadi Aid, wuxuuna ku tilmaamey inuu yahay urur u istaagan, ka jawaabida Baahiyaha Aas-aasiga ah ee Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Xafladan Balaaran ee ka dhaceysa Gudaha dugsiga Hoose iyo Dhexe Ee Xaafadda Caanole ee degmada wanlweyn, Anigoo ah Maamulka Dugsiga, waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin, soo dhaweyn wacan, gacamo furan baan idin leenahay, Dadaalka Aad wadaan iyo Dadaalka aan wadno Alle hanagu garab gallo’” ayuu yiri xasan Cali.
Sikastaba ha haatee, Waxbarashadu waa furaha Nolosha waxaana Aqoon la’aantu tahay Iftiin la’aan, isla makaaana Degmada wanleweyne waxay ka mid tahay Degmooyinka Sida Aadka ahi ugu liito dhanka waxbarashada ee Gobolka Shabellaha hoose tan iyo markii ay burburtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Ururka Arlaadi Aid ayaa wada dadaalo badan oo uu ku doonaayo inuu wax kaqabto degaanada KG Soomaaliya Sida; arimaha Bini’adanimada, Caafimaadka, waxbarasahada iyo wax yaabo kale oo badan.
Idale News Online, Wanleweyn