Daawo: UN-ka iyo Soomaaliya oo kawada hadley Qorshaha Hormarinta Qaranka

0
197

Muqdisho(INO)- Ergo ka socotada Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha hormarinta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo KHamiis ah shir kuwada qaatey magaalada Muqdisho shirka ayaa looga hadley Qorshaha Hormarinta Qaranka ee afarta sano ee sooo socota.

Shirkan waxaa shir guddoominaayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carteh waxaana ergooyinka kale hoggaaminaayey Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghaya Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Peter de Clercq.

 Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Xukuumadda ay waqti badan ku bixisay diyaarinta Qorshaha Hormarinta Qaranka.

“Waxaan dadaal dheeri ah gelinay diyaarinta QHQ ku dhawaad 30 sano kadib kaasoo inoo fududeeyn doona sidii horumar waara aan dalkeena u gaarsiin laheen, Waxaa kaloo muhiim ah in hey’adaha UNka ay waafaajiyaan QHQ barnaamiyadooda horumarineed”.

Ugu dambeyn RW Ku-Xigeenka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ka qeyb qaatay diyaarinta Qorshaha Hormarinta Qaranka oo uu ku tilmaamay guul weyn oo ay dowladda soo socota ka dhaxli doonta Xukuumadda hada jirta.

Barnaamijka Qorshaha Hormarinta Qaranka waxaa soo diyaarisey Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskashiga caalamiga ah ee Doweladda federaalka, waxaana jira maamulo ka mid ah federaalka oo sheegay Qorshahan in lagu dhisey mala awaal.

Faafin Idale News Online, Muqdisho