Kismaayo(INO)-Waxaa magaalada kismaayo isaga Baxay Wafdi uu Hogaaminayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, kuwaasoo muddo bil ah magaalada Kismaayo u fadhiyey inay ka qayb qaataan dhismaha Baarlamaan ee ay yeelan lahayd Jubbaland.
Ugaaska oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay u muuqatay inaysan jirin wax dhisme ah oo laga qayb qaadan karo, “Dadku markuu nabad hayso ayaa wuxuu geli karaa dhamaystir Jubaland”
Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Kismaayo dadkii daganaa la iska dilayo, Guryahoodii la duminayo, “Waxaan idiin sheegaynaa oo idiin Xaqiijinaynaa, Magaalada Kismaayo Dhulkeedii, deegaankeedii iyo guryaheedii Intaba Cagaf-cagaf ayaa Salka laga Maraiyey”
Ugaas Maxamed Ayaa sidoo kale Wuxuuna sheegay inuu soo arkay dadkii oo Badda Lagu gurayo “Habaynkii intee lala baxay, oo Badda laga soo qaaday ayaa la dhahaa”
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Kismaayo