Daawo: Togga Baydhabo Oo Xilliyadda Dadaadka Qaada Lafaha Qabuuraha Keerow Fogge

0
267

Baydhab(INO)  –   Qabuuraha Keerow Fogge waxay ka mid yihiin meelaha dadka lagu Aaso oo ku yaallo,  inta u dhexeeyso Gal-Galgoodbane iyo Xaafadda Cusub Ee Buullo Jadiid Ee Waqooyiga Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Laakiin Hadda waxaa dhex degan Qoysas badan, waxaan laga dhex dhisey guryo, iyadoona Halkaas ay noqotey Xaafadda Cusub  oo Qaalli ah Dhulkeeda.

20150906_191853

Mar aan Halkaas Booqasho ku Tagney, ayaa waxaan Ku Aragney Arin Naxdin iyo Murugo Nagu beertey, ka dib markii Qabuuraha Qaar ay Dumeen isla markaana Togga Biyaha wada Xilli roobeedka Ee Dhinac Mara uu Qaadey lafaha Marxuumiinta, iyadoona aysan ahayn Habaalaha qaar kuwo adag isla markaana La arki arko Lafaha Mowtada Ee halkaas ku aasan.

1992 markii Baydhabo looga Magac darey “Magaaladii Dhimashada” isla markaana Magaalada , Degmooyinka iyo Tuulloyinka Goboladda Bay & Bakool  ay ka Geysteen Haraagii Madaxweyne Maxamed Siyaad  Barre Xasuuq Tartiib tartiiba ahaa isla markaana Jabhadda USC ay  diidey in Gargaarkii ka soo Degey Dekadda Muqdisho la geeyo Magaalada Baydhabo ayaa Waxa Maalin weliba u dhimanayey Gaajo iyo Cuduro Ku dhawood 70 ruux, dadkaasi, waxa loo aasi jirey Qaab Fudud oo i dhaafi ah hadda Xabaalahaas way wada Dumeen, waxaana Lafahooda la tagaya Xilli roobaadka Toga- Baydhabo oo dhinac Mara Habaalahaasi  ka dib markii uu is ballaariyey soona jabsadey Gidaarka.

Ugu dambeyntii, Ilaa iyo haatan Ma jiro Maamul Gobolka iyo Mid Degmo oo fiiro u yeeshey Qabuuraha Keerow Fogge oo wada dunsan isla markaana u baahan in wax laga qabto Togga Baydahbo oo ku isku sii ballaaranaayo Gudaha Qabuuraha, iyadoona ay fududahay in la dhiso meelaha Qaar ee uu Ka Soo duso Togga Baydhabo.

Akhriste Adigu Maxay  Ku Tahay?

Halkan Ka Daawo Sawiradda

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here