Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha Warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdi Xasan “Peekoos” ayaa waxa kormeereen istuudiyaasha Telefishinka Qaranka gaar ahaan istuudiye casri ah oo ka bixi doona barnaamijyo Live ah oo tayo leh oo ay ka socdaan howlo dib u dayac tir ah.
Madaxweynaha ayaa mid mid u kormeeray istuudiyaasha iyo qeyabaha shaqada, iyadoo warbixin uu ka dhageystay Wasiiru dowlaha warfaafinta Beekoos iyo Injineer u dhashay dalka Finland oo gacanta ku haya howlaha dib u dayactirka ee ka socda Xarunta dhexe ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya, waxaana Wasiiru dowlaha warfaafinta uu u sheegay madaxweynaha dalka in meel gaba gaba ah ay u mareyso dib u dayactirka istuudiyaasha oo xili dhow ay ka bxi doonaan barnaamijyo Live.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyeeyay howsha baaxada leh ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ay u heyso Dalka iyo dadka waxaana horumar uu u rajeeyay Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.