Muqdisho (INO): Munaasabad ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee dowlada Somalia iyo marti sharaf kale isla markaasna si rasmi ah uu xilka kula wareegaayay taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa ka dhacdey xarunta Dugsigii Sare ee Booliiska (Scoula Polizia) oo haatan bixiyey akamediyada Generaal Kaahiye.

Taliyaha cusub oo dhankii ka hadley munaasabadaas ayaa isaguna sheegey in aad ugu faraxsan yahay isla markaasna rajo wanaagsan ka qabo inuu wax badan ka qabanto arrimaha ay ugu horeyso sugida amniga iyo soo celinta sharafkii uu lahaa booliiska Soomaaliya.
Taliyihii hore ee ciidanka booliiska ayaa isagu horey ugu geeriyooday xanuun deg deg ah oo ku soo booday, waxaa si kmg ah xilkaasi u sii hayey taliye ku xigeenkii ciidankaasi Jeneraal Gasgas muddo dhowr bilood ah.
Idale News Online, Muqdisho