Baledweyne(INO)-Taliyaha guud ee ciidanka dalka Jabuuti Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha Beledweyne ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidanka AMISOM ee Jabuuti iyo Ethiopia, saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.
Jeneraal Sakariye oo shir jaraa’id ku qabtay xerada Ceel-jaalle oo ah fariisinta ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay tahay dhiirragelinta ciidanka Jabuuti ee horay ugu sugnaa gobolka Hiiraan iyo dejinta ciidamada cusub ee dhawaan ay ku biiriyeen howlgalka.
Taliyaha ayaa xusay in uu Beledweyne joogayo muddo hal maalin ah, waxaana la filayaa in uu kulamo la yeelan doono saraakiisha ciidanka AMISOM ee Jabuuti iyo Ethiopia, saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka.
Socdaalka Jeneraalka ayaa ku soo beegmayaa iyadoo ay dhawaan magaalada Beledweyne gaareen kun askari oo cusub oo ka socda Jabuuti.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baledweyne, Hiiraan