Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa xasuuq xoogan ka gaystay gobolada dalka, gaar ahaan gobolka Sh/Hoose iyo gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee ay tacadiyadaasi u geysteen ciidamada dowladaha AMISOM ayaa la il daran dhaawacyadii xaraarta iyo gaadiidkooda geesteen, marna aysan helin wax daryeel ah oo dhanka AMISOM iyo dowlada federaalka ah. Waxaa jira tiro Soomaali ah oo aan waxba galabsan oo dhibaato ay u gesteen ciidamada AMISOM, kuwii ugu xanuunka badnaana ay soo gaareen qoys Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Marka oo hal mar ay ku dileen tiro walaalo ah oo waalidiintooda oo goob kaliya lagu wada toogtey. mana jiraan cid wax ka qabatey oo askartii falalkaas geystay la xisaabtanka sharciga la tiigsata.
DF Soomaaliya ayaanan wax war ah kasoo saarin xasuuqa ay Amisom ka wado gudaha dalka, waxaana ugu danbeysay weeraradii ay Amisom 35 qof ugu dishay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose.
Idale News Online. Mogadishu.