Daawo: Tababar Lagu Baaranayo Wada shaqaynta Maamulka iyo Bulshada Gobolka Bay oo Ka Furmay Baydhabo

0
197

Baydhabo(INO)Hay’adda CBD oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha nabadda iyo horumarinta dimoqraadiyadda ayaa maanta tababar ku saabsan sida ay u wada shaqeyn karaan maamulka iyo shacabka gobolka Baay u qabatay qaar ka mid ah maamulka iyo bulshada halkaasi ku nool.

Tababarkan oo socon doono muddo sanad ah ayaa mas’uuliyiinta waxa ay gacan ka geysan doonaan sidii bulshada iyo maamulka uu u wada shaqeyn lahaa, isla markaana sare loogu qaadi lahaa sida ugu fudud ee ay dhinacyada kala duwan u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana lagu ogaanayaa baahiyaha ay qabaan bulshada degmada Baydho ku dhaqan iyo sida wax looga qaban karo.

Furitaankii munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfurgalbeed Soomaaliya Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada, gudiyo ka kala socoday xaafadaha magaalada Baydhabo iyo odoayasha dhaqanka Koonfurgalbeed.

Cabdixaliim Bashiir Macalin oo ah madaxa mashruuca ayaa tilmaamay in tababarka uu yahay sida lagu xoojin karo wada shaqeyn dhex marta bulshada qeybaheeda kala duwan iyo maamulka heer gobol iyo mid degmo intaba

Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyay tababarkan sare loogu qaadayo  aqoonta bulshada magaalada Baydhabo, si ay uga qeyb qaataan horumarka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Baay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha tababarka inay ka faa’iideystaan fursadan ay heystaan, si loo xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo maamulka ka dhexeeya.

DSC00544DSC00549DSC00557DSC00567DSC00572DSC00574DSC00576DSC00588DSC00606DSC00608DSC00616DSC00624DSC00626DSC00633DSC00639

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here