Daawo: Tababar Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Oo Lagu Soo Gebo-Gabeeyey Baydhabo

0
266

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada mudane Cabdullaahi Cali Watiin ayaa uga furay magaalada Baydhabo 25.08.2015 tababar ku aadan xalinta qilaafaadka gudoomiyayaasha xaafadaha Baydhabo, ururka haweenka iyo ururka dhalinyarada degmada Baydhabo.

Tababarkaan oo ay maalgelinaysay hay’ada TIS/DAI ayaa waxaa ka faa’iidaystay dadka ka qaybgalay si ay qayb uga qaataan xalinta qilaafaadyada iyo weliba nabad kusoo dabaalida degmada Baydhaba iyo guud ahaan gobolka Bay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarka ayaa ka furmay xarunta tababarada ee Tanaad training Conference waxa uuna kusoo aaday xili ay bulshada Baydhaba aad ugu baahnayd ayada oo uu gudoomiyaha degmada Baydhabo mudane Cabdullaahi Cali Watiin soo xiray siminaarka.

20150826_08393320150826_10145420150826_10092320150827_12454920150825_09372020150825_093844_00120150825_115413

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here