Balli Doogle(INO)— Cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandoska ee loo yaqaano Danab ayaa Tababar loogu soo xiray Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, 10-maalmood kadib markii Ciidamo Kumandoos ah ay ka qeyb qaateen howl gal ka dhacay degmada Awdheegle, halkaasoo xilli habeen barkii ah weerar lagu qaaday fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa Tababar u soo xiray cutubyadan ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee Kumandoska, kuwaasoo muddo shan bil u socday tababar ay bixinayeen Saraakiil Mareykan ah.
S/Gaas Maxamd Aadan Axmed ayaa ugu mahad celiyay saraakiisha bixineysay Tababarka sida ay gacan uga geysteen dhismaha ciidanka ciidanka Kumandoska ee Danab, isagoo kula dar daarmay Ciidamada kumaandoska inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Waxaa uu sheegay Ciidamada Kumandooska ay yihiin qeyb ka mid ah tiirarka uu Qaranka ku faano, isagoo xusay in lagu dhiira gelinayo tallaabo kasta oo ay qaadaan, isla markaana ku difaacayaan dalka.
Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa soo bandhigay dhoolatus milateri, iyagoo la qalabeeyay, waxaana qaarkood ay wateen gaadiidka gaashaaman oo ay wataan Ciidamada AMISOM.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii Koox ka tirsan Ciidamada Kumaandoska iyo Ciidamo Mareykan ahaa oo watay labo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay weerareen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen in howl galkaas lagu dilay in ka badan 10-dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab.
Garoonka Balli-doogle oo garoon uu lahaa Ciidamadii hore ee Milateriga ayaa waxaa haatan la sheegaa inuu saldhig u yahay Ciidamo Mareykan ah oo aan tiradooda la shaacin, waxaana wehliya ciidamo ka tirsan AMISOM oo banaanka garoonka fariisin ku leh.
Idale News Online, Balii Doogle