Daawo: Soomaali Maraykan Loo haysto Weerar Argagixiso, tababarna ku qaatay Siiriya iyo Maxkamad Lagu taagay Ohio

0
227

Ohio(INO)-Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo 23 jir ah ayaa guddi xeerbeegto oo ah uu ku eedeeyey in uu galay dambiyo kala ah taageerida argagixisada iyo in uu warbixin khaladan siiyay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI.

somali1

Kaaliyaha xeer-ilaaliyaha guud ee amniga qaranka John P. Carlin, xeer-ilaaliyaha koonfurta degmada Ohio Carter M. Stewart iyo sarkaal ugu sareeya laanta FBI ee faraca magaalada Cincinnati Angela L. Byers ayaa eedeeymahan dusha uga tuuray eedeysanaha maanta.

Warbixinta maxkamadda la horkeenay ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu bishii April ee sanadkii hore tagay Siiriya si uu halkaasi ugu qaado tababar ugana barbar dagaallamo ururka Daacish.

Eedeysanaha ayaa haddii lagu helo dambiya lagu soo eedeeyay wajihi doona xukun xabsi oo dhan 23 sano, walow weli eedeymahu ay yihiin kuwo aan caddeymahooda la soo dhammaystirin.

Eedeysanaha ayaa maanta loo gudbiyay xasbiga federal ah taasoo la qabtay 21- bishii February ee sanadkan.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Ohio, USA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here