Daawo: Siyaasiga Weyn Ee KGS Cabdillahi Leesto Oo Ka Jawaabey Eedeyn Ugu Timid Kooxda Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-shabaab

0
236

Baydhabo(INO)iyadoo dhawaan ay baahisey warbaahinta kooxda mayalka adag ee soomaalida Al-shabaab , muqaal nin ay ku eedeyeen inuu ahaa jaajuus oo Magaciisu lagu sheegey Maxamed Cumar Khayre isla markaana bixiyey xogo  badan, oo   ku aadan meeshii  lagu soo direy iyo cida soo dirtey.

Halkan Guji Si Aad U Aragto Muqaalka Ninkii  Bixiyey Xogaha lagu Eedeynayo Siyaasiga C/laahi Maxamed Iidirs Leesto

Ninkaasi oo sida ka muuqatey wajagiisa  inuu ka tirsanaan jirey kooxda Al-shabaab  sidoo kalena  wax ka abaabuley duqeyn lagu diley sarkaal ka tirsanaa xoogaga Al-shabaab, ayaa waxaa uu sheegey inuu soo direy Siyaasiga Cabdilaahi Maxamed Idirs( Leesto), sidoo kale ninka waxa uu sheegey in Leesto in uu ka tirsan yahay ama haysto Mad-habta  Cathalikada ee Karishtaan, waa sida qofkaasi  ku uu sheegay ee.

Hadaba waxa shir ja’raaid ku qabtey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Cabdilaahi leesto, waxaana uu beeniyey arinta ay ku eedayeen xoogaga Al-shabaab ee soomaaliya”  Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Magaceygu waxaa la yirahdaa Cabdilaahi maxamed Idiris Leesto, waxaan daganahay Baydhabo, waxaan shir jaraa’id ku qabtey baydhabo oo aan kaga hadley been abuur la iga soo sameeyey oo ay iga soo sameysey kooxda Al-shabaab, oo cabdillahi leesto ayaa diley nin al-shabaab ah waxaana soo adeegsadey rag ka tirsan Al-shabaab , website-yada iyo twiter-ka la soo galiyey nin oranaayo cabdillahi leesto isku xeeb ayaa nahay  waa nin  Cathelic ah, wuxuu la  shaqeeya CIA-da Dowlada Mareykanaka  waxyaabo badan ayuu daldaley oo 25 Daqiiqo ayaa soconaya Videos Qiyaastii , ninkii waa la diley” sidaasi waxaa yiri cabdilahi leesto.

Siyaasiga Cabdillahi leesto ayaa sheegey in arintan ay ka dambeeyaan siyaasiyiin soomaali ah  “Marka hoos loo eego arintan waxaa ka dambeeyo  waa siyaasiyiin oo aad moodid in aan loolan  ku ahay  kuwaasi ayaan umaleynayaa in ay  ka dambeeyaan arintan” ayuu yiri Cabdillahi leesto.

Sidoo kale cabdillahi leesto waxaa uu sheegey in uu yahay muwaadin mareykan  ah”anigu waxaan ahay qof mareykan ah, aduunka dadka aan ugu jecelahay waxay ku nool yihiim mareykanka xaaskeyga iyo caruurteyda”

Siyaasiga Cabdilaahi leesto waxa uu sheegey in dowlada mareykanka Shacabka  soomaaliyeed wax weyn ay u qabatey tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya, wuxuuna uu gaashan u daruurey eedeynta kooxda Al-shabaab, isla markaana waxa uu si ba’an u weerarey Falsafada ay shaqeeyso  kooxda Mayalka adag ee soomaalida Al-shabaab.

Anigu mareykan uma shaqeeyo laakiin waan ahay, Al-shabaab tabar dari ayaa ka muuqato hadii ay la qabaan hadalkii  ka soo yeerey ninkaasi” ayuu yiri C/laahi leesto.

waxaa yaab igu noqotey anigoo ahay qof muslim ah In la igu yiraahdo waa CATHOLICAN diin ma haysto diin karishtaan ayuu haysta, CIA-du ayuu u shaqeeya, anigu CIA-da Magaranaayo, Al-shabaab ha ogaato, soomaalina  ha ogaato”

 

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here