Daawo: Shirkii Qorshaha Qaranka Ee Ka Socodey Baydhabo Oo Maanta La Soo Gebo Gabeeyey

0
233

Baydhabo(INO)- Shirkii wadatashiga qaran ee  looga hadlayay sameynta qorshaha qaranka ayaa  manta lagu soo gaba gabeyay magaaladda baydhabo, waxaana shirka inta uu socday  ka soo qeybgalay wasaaradda dowladda gobaleedka koonfur galbeed somaaliya iyo ururadda bulshada rayidka si ay u soo gudbiyaan talooyinkooda ku aadan sameynta qorshaha qaran si ay doorkooda ay ugu yeeshan.

Qaar ka mid ah wakiiladda ka socday  wasaardda dowladda gobaleedka  koonfur galbeed ayaa  soo bandhigay qorshayaakl ku aadan adegyada kala duwan ay u hayaan shacabka  deeganadda maamulka  ka arimiyo,isla markaana  u soo gudbiyay wasaaradda qorshayenta waxyaabaha ugu muhiimsan loogu biiriyo qorshaha qaranka.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dalka Mudane Cabdulaahi,Sheikh Cali Qaloocaw, oo soo xiray shirka ayaa tilmyay in qorshan uu yahay mid wax wayn ka badali doona  somalaliya isla markaana sheegay in wasaaradda ay tagi doonta magaaladda cadaado si wada tashi lagagala yeeshan maamulka galmudug .

Shirkan Qorshaha qaran ee  lagu dhageysanayo  maamuladda dalka ka jira ayaa ah mid lagu doona  in somaaliya ay  yeelato qorshe qaran oo lagu cadeenayo baahiya somaaliya ka jira si gacan looga siiyo isla markaana lagu ogaado sida wax soo sarka ay deeganadda ay ugu kala  muhiimsan si loo hormariyo.

Halkan Ka Daawo

Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella), Warbaahinta 

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here