Daawo: Shirkadda Diyaaradaha Ee Freedom Airline Express Oo Maanta Xafiis Ka Furatey Baydhabo

0
687

Baydhabo(INO)- Munaasabad lagufurayey shirkada duulimaadka Freedom Airline Express si rasmi ah xafiis toos ah uga furatay magaalada Baydhabo oo ay sameysey Nairobi Baydhabo Baydhabo Narobi .

Ayadoo Maalin ka hor ay Shirkada Freedom airline Express sirasmi ah duulimaad toos ah Nayrobi Baydhabo. Baydhabo Narobi uga bilowday magaalada Baydhabo ayaa manta Munaasabad lagu furaayey xafiiska Shirkada Duulimaadka Freedo airline Express waxa uu kadhacday Hotel Bay Star ee Magaalada Baydhabo.

waxaana kasoo qayb galay masuulitiin kasocotay Dowlad goboleedka koonfur galbeed sida wasiirka gaadiidka Cabdulaahi Balack,wasiirka warfaafinta Xasan cabdi ,wasiirka Maaliyada Sh xasan Lugbuur,agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Cali Dhuux iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada kudhaqan magaalada Baydhabo.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda Kahadlay oo jeedada kulanka iyo hawlaha bulshada ay uqabaneyso shirkada freedon airline express halkaasi kasoo jeediyey Abdi Risaaq oo kamid ah mas’uuliyiinta shikada.

Intaa kadib agaasimaha waaxda Duulimaadyada Cali dhuux wasiirka warfaafinta Xasan Cabdi Maxamed iyo wasiirka maaliyada Sh Xasan Ligbuur oo xaflada kahadlay ayaa soodhaweeyey hawlaha fiirdom airline ay bilwday.

Ugu danbeyntii wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulaahi Black ayaa arintani soodhaweeyey islamarkaana bulshada ugubaaqay in ay kafaaideystaa isagoona dhanka kale shirkadu ugamahadceliyey fikirka ay sameysey iyo talaabada ay horey uqaaday Hase yeeshee dhamaan qaybihii kaladuwanaa ee kulanka kasii qayb galay ayaa soodhaweeyey talaabada ay soobandhigday Shikada Freedom airline Express.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

00102030405
0607

Wariye Abshir Maxamed Nuur, Warbaahinta

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo