Baydhabo(INO)-Gollaha Wasiiradda Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Shir Ku Yeeshey Xarunta Madaxtooyadda Ee KG Soomaaliya, Iyagoona Shirkoodu ay kulafagureen Arimo badan oo horyaalla Wasaaraddaaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta shir gudoomiyay shirkii gollaha wasiirada ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomalia waxaana looga hadlay arimaha Nabadgalyada iyo wadashaqeynta hay’adaha kala Gedisan Ee Dowladda, isla markaana waxaana Madasha lagu dhaariyay wasiiro.
Sido kale Gollaha wasiirada Ee Dowladda Koonfur Galbeed ,ayaa maanta ogolaaday soona dhaweeyay gudiyada Adeega Garsoorka, Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee dhawaan ansixiyeen Gollaha wasiirada Dolwadda Federalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Gollaha Wasiirada Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa mid mid loogu dhageestay wixii u qabsoomay wasaradaha aay mas’uulka ka yahiin mudada kooban ee haayen.
Hlkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo