Baydhabo(INO)- Qaar kamid ah Haweenka soomaaliyeed ayaa Kulan lagu xaqiijinaayo koontada haweenka sooomaaliyeed ay kuleeyihii Doorashada 2016 ay qabteen Magaalada Baydhabo.
Kulankan oo soo qabanqaabiyey gudiga u ololeeya una dooda saamiga haweeenka ay ku leeyihiin dhanka siyaasada ee (SWLI) kaasoo looga tashanaayo xaqiijinta 30% ka qaybgalka Haweenka siyaasada Dalka Doorashada 2016.
Kullanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudiyo haween ah oo ka kala socoday maamul goboleedyada Dalka,wasiirka Kuxigeenka Haweenka KGS gudoomiyaasha Haweenka Gobolka Bay iyo Degmada Baydhabo iyo Haweenka gobolka Bay.
Wasiir Binti Ibrahim Cali iyo Gudoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo Xaawo Sokor Cali ayaa kamid ahaayeen haweenkii shirka hordhiciisa ka hadlay.
Hase yeeshee Haweeen weynihii kulanka kaqayb qaadanaayey ayaa dood iyo aqoon isweydaarsi kadib waxay soo gud biyeen figradahoodii iyo qaabka ugu haboon ee ay ku xaqiijin karaan in ay helaan 30% kaqaybgalka Haweenka siyaasada dalka Dooorashada 2016.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Abshir Maxamed Nuur, Warbaahint, Idale News Online, Baydhabo