Baydhabo(INO)-Shir heer sare oo ay soo abaabuleen hayada FAO, Wasaarada Beeraha iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa Maanta ka furmey Magaalada baydhabo.
waxaa shirkaasi Furey Kusimaha Madaxweynaha koonfur galbeed ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamul gobaleedka koonfur galbeed Cabduqaadir Shariif Sheequnaa.
waxaa kaloo goob joog ahaa Madax kasocatey Midow Yurub Mr. Martino vinci iyadoo ay joogeen Madaxda ugu sareeysa Hayada Cuntada Beeraha ee Aduunka FAO oo Masuuliyiintooda kala ahaayeen Richard iyo Madaxa beeraha ee FAO Jan helsen .
waxaa kaloo Goob joog ahaa mudanayaal kasocdey dowliga Talyaaniga iyo Deeq Bixiyaal. Munaasabada shirka waxaa ka hadley Wasiirka beeraha ee Dowlada Federaalka Axmed Xasan gaboobe isagoo ka hadley qorshaha lagu shaqeyn doono Mustaqbalka (Qorshaha Istaraajiyada Qaran laga bilaabo 2016-2018.
waxaana lasoo bandhigey Buug ka hadlaayo Qorshahaas . Goobta waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirada Beeraha ee Maamul Gobaleedyada Soomaaliaya , iyadoo meeshaasi uu ka hadley Wasiirka Beeraha ee Maamul gobaleedka KG Maxamed Xasan Fiqi oo ka hadley in waxqabad muuqda layimaadaan Beesha caalamka , dhibaatooyinka jirana ay wax ka qabtaan, aysan noqan wax maanta ku eg wasiir Fiqi ayaa yiri waa in sida ugu dhaqsi badan la maalgeliyaa beeraleyda Soomaaliya oo dhibaata ka haysata dhinaca wax soo saarka .
Shirkaas waxaa kaloo lagu Casuumey Khabiiriin dhinaca Beeraha ama musuuliyiinta Jaamacadaha kala ah Jubbada Sare (Upper jubba University) iyo Jaamacada caalamiga ah ee Baydhabo(Baidoa international University ) oo kala ah Idriss Cabdi Dhaqtar iyo Cabduqaadir Nuur Aboow , Shirka ayaa weli socda iyadoo maalinta Berito lasoo gebegebeynayo waxaan lagu dhameystiri doonaaa Qorsha istiraajiyada ee qaran ee 2016-2018
Halkan Ka Daawo Sawirada.
Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo