Daawo: Sheikh Shariif oo ololahiisa ka bilaabay Dalalka Deriska

0
433

Nairobi (INO)-Sheikh Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii dowladii KMG aheyd ayaa tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo halkaasi kula kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Sheikh Shariif oo sanadkii 2012 looga guuleystay doorashadi ka dhacday dalka Soomaaliya ayaa Soomaaliya ka maqan muddada uu xilka hayo Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana uu ku sugnaa dalka dibadiisa isagoo waday waxbarasho.

Ujeedada ka dambeysa socdaalka Sheikh Shariif uu ku tagay dalka Kenya ayaa ka kooban labo, waxaana ujeedada koowaad ay tahay sidii uu ula kulmi lahaa madaxda Kenya oo hurguf siyaasadeed horey u dhaxtaalay iyo sidii uu ololahiisa doorashada kaga dhaadhicin lahaa Soomaalida Kenya.

Inkastoo uusan wali ku dhawaajin musharaxnimadiisa haddana wararka la helayo ayaa sheegaya inuu yahay musharaxa kaliya ee ugu weyn ee la loolami kara Xasan Sheikh Maxamuud oo horey isaga kaga guuleystay.

Hoos ka daawo

Nairobi  4 Nairobi Nairobi-3 Nairolbi-4

Idale News Online, Muqdisho