Muqdisho (INO) – Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha ee la filaayo in maanta oo Arbaca ah ka dhacdo magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Ciidamada cirka ee Afisiyooni.
Sheikh Shariif oo ka hadlaayay dareenkiisa doorashada maanta dhaceysa, ayaa sheegay in naftiisa uu ku qabo kalsooni waa haddii aan la dhaqan galin doonin musuq-maasuq dhanka codka ah.
Sheekh Shariif, waxa uu qiray inuu jiro masuq maasuq iyo wax isdaba marin badan oo ku aadan dhanka Doorashada waxa uuna ku baaqay in wixii meesha ka dhaca ay mas’uul ka noqon doonaan Guddiga Doorashada.
Sheekh Shariif, waxa uu tilmaamay in musuq-maasuqa uu ka imaankaro dhinacyo badan waxa uuna ku baaqay in Guddiga Doorashada ay iska ilaaliyaan wax waliba oo ceyb ku keenikara.
Waxaa kaloo uu tilmaamay in loobahanyahay Isbadal dhab ah hogaanka haatan ee talada ugu egtahay laga tuuro xilka si buu yiri loo helo isbedelka la saadaalinaayo.
Sidoo kale, waxa uu ka digay in Goobta ay maanta ka dhici doonto Doorashada lagu qalqal galiyo Musharaxiinta iyo Xildhibaanada codeyn doona waxa uuna suuragal ka dhigay inay taa dhici doonto.
Haddalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaaya xili maanta oo Arbaco ah Musharaxiinta iyo Xildhibaanada u dareeri doonaan Doorashada Madaxweynaha.