Daawo: Shariif Xasan iyo Dam Jadiid Balantii Ay Wada Galeen Oo Si Horudhac ah u soo shaac Baxayso

0
190

Muqdisho(INO)- Dam Jadiid ayaa waxay Shariif Xasan Kula Balameen Galabnimadii 11 /1/2017 Ee La Soo dhaafey in uu Xareeyo Xildhibaanada BFS Ee Taagyeersan Siyaadiisa Ee Ka Soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla maalintaas Dam Jadiid waxay Bixiyaan 10 Million Oo Dollar oo ku soo kabanayo Khasaarihii ka soo Gaarey ololaha Doorashda C/rashiid Xidig.

Balantaas waxay ahayd mid dhowrsan , Shariif Xasan wuxuu aadey Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya Isagoona madaxda Dalkaas kala soo hadlayey Danaha Itoobiya iyo Musharax ay rabaan inuu soo baxo.

Qalanqaadkii kuu ka dhabeeyey Shariif Xasan ee la galey Dam Jadiid isagoona Xildhibaanada Digil iyo Mirifle u sheegey in Qaar ka mid ah laga dhigi doono wasiiro iyo Ku xigeeno hadii Xasan Sheekh Maxamuud ay u codeyaan.

Inkastoo ku dhowaad 50 xildhibaan oo beelaha DM ka soo jeeda aysan goobta imaanin haddana waxaa jiray ilaa 12 xiildhibaanadii oo beelweynta Digil & Mirifle ka soo jeedey ee kulanka taageerada (endorsement) joogey waxaana ay kala ahaayeen:

  1. Xil. Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush)
  2. Xil. Sheekh Maxamed Nuur “Sheikh Aadan Madoobe”
  3. Xil. Sareedo Maxamed Abdalla
  4. Xil. Amb Maxamed Mursal
  5. Xil. Sandheere Maxamed Iftiin
  6. Xil. Cabaas Siraaji
  7. Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen (Badni)
  8. Xil. Khaliif Duurey
  9. Xil. Maxamed Xuseen Afaraale,
  10. Xil. Maxamed Mursal Booroow
  11. Xil. Ibrahim Yaroow
  12. Xil. Maxamuud Macalin Yahye

Halkan Ka Daawo VIDEO