Daawo Sawirro laga soo qaaday degmada Baardheere iyo xaalada ay ku sugan tahay

0
302

Baardheere(INO)— Xaalada degmada Baardheere ayaa caadi ku soo laabatay, iyadoo dadka deegaanka ay si tartiib tartiib magaalada ugu soo laabanayaan, kadib markii bishii hore ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Baardheere oo ah magaalo istiraatiiji ah ayaa caan ku ah dhinaca wax soo saarka beeraha, waxaana mara wabiga Jubba, waxaa muddo sideed sano gacanta ku hayay Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa si wada jir ah magaalada ugu sugan, iyadoo ay wehliyaan Ciidamo Soomaali.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, inkastoo ay wali ka maqan yihiin adeegyadii bulshada, sida caafimaadka iyo gar-gaarka aadanimo.

Ganacsiga ayaa ah mid teel teel ah, waxayna dadka sheegayaan in wali magaalada ay ka maqan yihiin dad horay uga barakacay.

Ciidamada is garabsanaya ayaa qorsheynaya in degmada Baardheere uga sii gudbaan deegaanada kale ee Jubadda Dhexe oo ah gobolka kaliya ee si guud Al-Shabaab gacanta ugu hayaan.

baardheere (11)baardheere (10)baardheere (9)baardheere (8)baardheere (7)baardheere (6)baardheere (5)baardheere (4)baardheere (3)baardheere (2)baardheere (1)Idale News Online, Baardheere, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here