Maleeshiyada Al-shabaab ayaa goordhow soo bandhigtay dhalinyaro iyo Odayaal dhowr ah kuwaasi oo la sheegay inay garab u ahaayen ciidamada Ethiopia.
Maleeshiyaadkani oo watay Hub aad u farabadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay deegaanka Mazagawaa oo ka tirsan Gobolka Galguduud.
Dhalinyarada iyo Odayaasha oo iyaga iyo Hubkooda ku biiray maleeshiyada, ayaa waxaa la sheegay in ku biiritaankooda Shabaab ay sabab u aheyd kadib wadahadal dhexmaray Odayaasha beesha Waceysle oo dhalinyaradaani ay kasoo jeedan iyo Maleeshiyada Al-shabaab.
Dhalinyaradaani ayaa ku hubeysnaa qoryo nooca loo yaqaan AK47, waxa ayna iminka ku shubeen Hubkaasi gacanta Al-shabaab.