Daawo Sawirrada Maamulka Gobolka Banaadir Oo Booqday Qaar Kamid Ah Degmooyinka Ay Saameynta Ku Yeesheen Roobabkii Xalay Ka Da’ay Magaalada Muqdisho.

0
207

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saakay booqday qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay saamayn ku yeesheen roobab xalay ka da’ay  Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Koormeerka ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay saameynta ku yeesheen roobabkii xooga badnaa ee xalay ka da’ay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa kaaliyaha Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Xuseen iyo Afhayeenka Gobolka Banaadir Axmed Cismaan Muxudiin.

Ujeedada Kormeerkan ay ku tageen goobaha ay roobabka saamaynta ku yeesheen ayaa ahaa mid lagu eegayo qasaaraha iyo dhibaatoyinka ka dhashay roobabkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho kaas oo ay samayn weyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

r14r1r2r3r4r5r6r7r8r9r10r11r12r13Idale News Online,Muqdisho.