Ankara(INO)- Dowladda Turkiga, ayaa waxay xabsiga u taxaabtay Taliyaha Saldhiga ugu wayn ee ay ka hawlgalaan Ciidamada Cirka Turkiga (Incirlik), ka dib markii lala xiriiriyay in uu qayb ka ahaa kuwII soo abaabulay afgambiga fashilmay.
General Bekir Ercan Van, ayaa lala soo xiray darsin xubnihii la hawlgaleysay. Saraakiil Dowladda Turkiga ka tirsan, ayaa waxay maanta xaqiijiyeen xariga Sarkaalkan.
Saldhiga Incirlik, ayaa waxaa si wada jira uga hawlgala Ciidamada Cirka Turkiga iyo Mareykanka, waxaana soo baxaaya in Mareykanka laga joojiyay adeegsiga hawada Turkiga.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon-ka), ayaa waxay xaqiijisay in Mareykanka laga joojiyay galaangalkii uu u lahaa adeegsiga hawada dalka Turkiga.
Sabtidii, ayay ahayd markii xabsiga loo taxaabay Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Turkiga, General Akın Öztürk, kaasoo qudhiisa lala xiriirinaayo afgambiga dhicisoobay.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa uu ku cago jugleeyay inaanan meelna looga hari doonin kuwii ka dambeeyay buu yiri inqilaabka fashilmay.
Bekir Bozdag, Wasiirka Garsoorka Turkiga, ayaa waxaa uu galabta xaqiijiyay inay korortay dadka loo soo qab qabanaayo isku dayga afgambi, waxayna tiradooda gaartay buu yiri sideed kun oo qof.
Wasiirka, ayaa ku goodiyay inay sii socon doonto qab qabashada, si cadaaladda loo horkeeno kuwii ka masuulka ahaa qalalaasaha habeenkii Jimcaha ka dhacay dalkaasi.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.