Mansa (INO)—Meydadka in ka badan 10 Ruux oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo waramayaa in laga helay Gobolka Luapula ee Dalka Zaambiya, sida ay sheegayaan Booliska Dalkaasi.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya ilaa iyo 50 Ruux ayaa la sheegayaa in ay ku wajahnaayeen Dalalka Koongo iyo Koonfur Afrika, si halkaasi ay uga shaqo bilaabaan.
Booliska Dalka Zaambiya ayaa xaqiijiyay ugu yaraan 15 Ruux oo Soomaali ah in ay dhinteen kadib markii Dadkaasi lagu xiray ama lagu qariyay Gaari weyn oo nuuca Kunteenarada qaada .
Dhimashada Muhaajiriintan Soomaaliyeed ayaa timid sida la soo wariyay ka gadaal markii uu naqaska ku dhagay maadaama ay ku xirnaayeen intii ay ku guda jireen Safarkooda gudaha Koonteenarkaasi.
30 kale Muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaasi oo badbaaday ayaa sheegay in Kunteenarka la soo saaray uusan la heyn Hawo, taasina ay horseeday in Rakaabka qaarkood ay u dhintaan cabur.
Ugu dambeyn, Saraakiisha Booliska ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dhacdadan waxaana Xuduudka Dalka Koongo lagu hayaan Darawalkii Gaarigaasi waday oo isna ay baaritaano ku socdaan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.