Daawo Sawiro:Meydad badan oo daadsan Magaalada Nice ee Dalka Faransa

0
284

Nice (INO) – Ugu yaraan 80 Ruux ayaa dhintay, 100 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Gaari xamuul ahaa lagu jiiray dad u dabaaldegayay munaasabadda Maalinta Bastille, taasoo ka dhacaysay Magaalada Nice oo ku taalla Koonfurta Dalka Faransa.

Booliska Dalka Faransa ayaa xaqiijiyay in Shilkaasi ama weerarkaasi lagu Dilay ugu yaraan 80 Ruux, waxaana sidoo kale ay sheegeen in toogasho lagu Dilay Qofkii ka dambeeyay musiibada ka dhacay Magaalada Nice.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dalka Faransa Bernard Cazeneuve ayaa waxuu tilmaamay in Caruur iyo Haween ay ku jiraan Dadkii la jiirsiiyay Gaarigaasi xamuulka ahaa oo Xawaaro ku socday.

Saraakiisha Booliska ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Gaariga laga dhex helay Hub iyo waxyaabaha Qarxa, waxaana la doonayay sida ay sheegeen in Weerar xoogan lagu fulinayo.

Booliska ayaa baaritaan ku haya sidii ay u aqoonsan la haayeen Gaarigaasi, iyadoona aanu jirin cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi.

Madaxweynaha Dalka Faransa ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ka dhacay Magaalada Nice, xili halkaasi ay ka socdeen dabaaldagyo.

Madaxweyne Hollande ayaa shaaciyay in Faransiiska uu kusii jirayo xaaladda degdeg ah, isla markaana kumannaan milateri iyo boolis isugu jira ay ka qeyb qaadan doonaan sugida ammaanka dalkaasi.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegeysa in warqado aqoonsi oo gaariga laga dhex helay ay muujinayaan in darawalka uu ahaa Faransiis asal ahaan Tunisia kasoo jeeda.

3bb67b369e8949e1b3ffd73eb0dd10c3_187d02ca4fce074bfe8e0fda7b365193fa_1863c100b765444b549727682157f1e952_18364A4E0800000578-3691392-image-a-54_1468555147080364A5C2F00000578-3691392-image-a-53_1468555144793364ABF9000000578-3691392-image-a-51_14685551382263649C35400000578-3691392-image-a-52_146855514184394148a8260b94507971ac5b6eec30024_18CnX4WoDUEAAbzSBCnX4WSKVMAAM4OMf13768cb74af4568b63b645cf6f1a8f0_18

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.