Daawo Sawiro:Mashruuca Dhisida Adkeysiga Bulshada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
1096

Baydhabo(INO)- Waxaa magalada Baydhabo lagu qabtay shir loogu hadlaayay Mashruuca Dhisida Adkeysiga Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Barnamijka oo ah mid muhiim ah isla markaana loogu talo galay in bulshada lagu dhiso si ay u gaarto horumar iyo u adkeysi afooyinka ka imaanaya abaaraha, fatahaadyada, Cudurada, iyo colaadaha.

Mashruucan waxaa xooga lasaari doonaa in Bulshada laga kaabo dhinaca beeraha, xoolaha, biyaha, Cafimaadka, Waxbarashada iyo waxyaabo Kale.
Mashruucan waxaa uu socon doonaa mudo sedex sano ah waxaana tijaabadii ugu horeysey lagu sameeyey tuulada Boonkay sida aad sawirada ka arkaysaan. waxaana ka faa’ ideystey bulshada ku nool tuulada boonkay ee Degmada Baydhabo.

Dhaqaalaha Mashruucaan waxaa bixiyey Midowga Yurub iyo UKAID, waxaana ay heshiish la saxiixdeen Madaxweynaha Dowlad Goboleed KGS waxaana fulin doona Hay’adaha kala ah NRC, Concern, Safe the Children, Cesvi,IRC sidaa daraadeed Baydhabo waxaa Barmij kaan ka fulin doona Hay’ada NRC halka hay’adaha kale ay kafulinayaan Gobolada kale .

Shirkaan waxaa loogu hadlaayay sidii loo gaarsiin lahaa tuulooyin hor leh ee hoos yimaada degmada Baydhabo. waxaa la isla soo qaadey wax yabaha ay tahay in bulshada laga kaabo si ay noloshooda u maareystaan u noqdaan dad ayaga isku filan.

Waxaa shirkaan ka hadlay Gudomiyaha degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin waxaana uu sharaxaad dheer uu ka bixiyey ahmiyada mashruucan uu u leeyahay Bulshada Degaanada Konfur-Galbeed Soomaaliya iyo gaar ahaan Shacabka Baydhabo, waxaa uu Gudomiyaha sharaxay sida ay dadka reer Bay ay u noolaan jireen 25 sano ka hor iyo sida hada ay ku noolyihiin, sidaa daraadeed waxaa uu kusii dheeraadey in qofwaliba baadiyaha jooga uu kunoolaa 500m Square oo ay ka heli jireen noloshooda.

500m waxaa ugu yaalay guri ay ku hooydaan, Beerta, Bakaarta Masagada, Warta Biyaha, iyo Xerada Xoolaha, Marka waxaa la doonayaa in dadka laga caawiyo dhinaca wax soo saarka beeraha, biyaha, Xoolaha, Cafimaadka iyo wax Barashada.

Si kastaba ha haatee, Shirkaan waxaa kasoo qeyb galay Mas’uliyin ka kala socota Dowlada Federalka, Dowlada Goboleed KGS, Maamulka Degmada Baydhabo,Maamulka Gobolka Bay, iyo Hay’adaha ku midowbay Barnaamijkaan Ee Adkaysiga Bulshada. NRC iyo Haya’da Concern dhamaan Masuliyinta kala duwan iyo hay’adaha ayaa waxaay isdhaafsadeen afkaaro kala duwan oo ku aadan mashruucan.

Ugu dambeyntii, Kulankaan kadib waxaa la isla soo qaadey in lasoo booqdo tuulada boonkay oo Barnaamijkaan laga bilaabay si loo arko sida dadka oogu faa ideysteen iyo muhiimada bulshada uu u leeyahay.

Halkan Ka Daawo Sawirada.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay