Daawo Sawiro:Madaxda Geeska Afrika oo qaarkood la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israel

0
340

Kampala(INO)- Qaar ka mid ah Madaxda Wadamada Geeska Afrika, ayaa waxay Isniintii Magaalada Entebbe ku qaabileen Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo booqasho ku maraya Qaaradda Afrika.

Madaxweyne-yaasha, Uganda, Kenya, South Sudan, Rwanda, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania oo metelaya Madaxweynaha Tanzania, ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Israel. Madaxweyne-yaasha Somaliya, Jabuuti, Sudan iyo Burundi kama aanay qaybgelin kulankan.

Augustine Mahiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, ayaa waxaa uu Ra’iisal Wasaaraha Israel uu u gudbiyay warqad uu kaga siday Madaxweyne John Magufuli.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter waxaa uu ku sheegay in kulankan looga hadlay arrimaha ammaanka iyo waxa uu ugu yeeray la dagaalanka argagixisada.

Israel, ayaa waxay Afrikada Bari u aragtaa gobol qayb wayn kaga jira caalamka, waxayna daneynaysaa inay soo celiso xiriirkii ay la laheyd, oo aad u yaraaday sanadkii 1960-kii.

Ra’iisal Wasaare Netanyahu, ayaa socdaalka uu ku marayo Qaaradda Afrika ku sheegay mid Israel ay ku dooneyso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Afrika, iyadoo uu Uganda uga sii gudbi doono Kenya, Itoobiya iyo Rwanda.

Benjamin Netanyahu, ayaa waxaa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay oo Israeli ah, oo booqasho ku tagga Qaaradda Afrika, markii ugu horeysay muddo 30 sano ah.

Hoos ka Daawo Sawirada

Entebbe Entebbe1 Entebbe2 Entebbe3 Entebbe4 Entebbe5 Entebbe6

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.