Daawo Sawiro:Dibadbax looga Hor-jeedo Weerarkii Masaajidka Nebiga oo Muqdisho ka dhacay Maanta

0
382

Muqdisho(INO) — Bannaan-bax looga soo horjeeday Qaraxii lala beegsaday horraantii bishan Masaajidka barakeysan ee Nabi Muxamed [NNKH] ee Magaalada Madiina Al-Munawara ee Dalka Saudi Arabia, ayaa Muqdisho ka dhacay maanta.

Dibad-baxan, ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka Muqdisho, iyadoo Dibad-baxan ay soo Qaban-qaabiyeen culummada Soomaaliyeed, Dowladda Somalia iyo Waxgarad Soomaaliyeed.

Mudaaharaadkan, ayaa lagu muujiyay sida looga xun yahay weerarkii qaraxa ahaa ee lagu qaaday masjidka Nebiga NNKH iyo Meelaha kale ee Xurmeysan ee ku yaalla caalamka dacalladiisa.

Guddoomiyaha Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa culummadii ka hadashay dibadbaxii maanta Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay inay muujiyaan inaysan raalli ka ahayn Weerarrada noocaan oo kale ee lala beegsanayo Masaajidda Xurmeysan.

“Waxaanu Dowladda Somalia iyo dhammaan Waddamada Muslimiinta ah ugu baaqaynaa inay ka hortagaan kuwa doonaya inay dhibaatooyin ka geystaan goobaha barakeysan ee caalamka… waayo tani waxay u muuqataa mid ka tarjumaysa in kooxahan ay doonayaan inay dad ku laayaan Xaramka,” ayuu yiri Sh. Bashiir Axmed Salaad.

Dhanka kale, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isagana dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in falkan uu muujinayo in kooxahan sheeganaya inay Diinta u gar-gaarayaan aysan run ka ahayn oo ay doonayaan inay Muslimiinta meel walba oo caalamka ah ku beegsadaan.

Ugu dambeyn, Bannaan-baxaan ayaa waxaa ka Qayb-galay, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sh. Nuur Baaruud Gurxan, Sh. Yuusuf Cali Ceynte, Sh. Cali Dheer oo dowladda Somalia ka socday iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay