Cadaado(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, waxa ay sheegayaan in ciidamo AMISOM ka socda halkaasi la geeyay shalay. Ciidamada halkaasi gaaray waxa ay ka kala socdaan dalalka Jabuuti iyo Burundi.
Ujeedada ciidamadan loo geeyay Cadaado ayaa lagu sheegay inay tahay inay ilaaliyaan amniga doorashooyiinka halkaasi ka dhici doona.
Ciidamadan AMISOM ka socda ee la geeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, waa kuwii ugu horeeyay ee halkaasi la geeyo.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Cadaado ayaa soo dhaweeyay ciidamada AMISOM. Waxay xarumo ka sameysteen qeybo ka mid ah magaalada.
Halkan Ka Daawo Sawiro.