Galkacyo(INO)- Shirweynihii 4-aad ee ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ ee ka socdey Magaalada Gaal-kacyo ee Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa Shaley galinkii dambe waxaa lagu doortey Gudoonkii hogaamin lahaa ururkaasi Seddexda sanno ee soo socota.
Doorashadaasi oo aheyd mid aad u xiisa iyo xamaasad badan ayaa waxay ku dhacdey hanaan ku dhisan Cadaalad, Dimoqraadiyad iyo Hufnaan, waxaana xubin kasta oo codeynaysay ay codkeeda si xaq iyo xalaala ah ay ugu rideysey dhallo aad u cad oo la horkeenay ergadii shirweynahasi ka qeyb qaadaneysey.
Illaa iyo 150-saxafi ayaa codeynta doorashadaasi ka qeyb qaadatey, waxaana loolan adag uu dhex marey qaar kamid ahaa xubnihi isu soo taagey qabashada xilalka sare ee gudooonka ururkaasi, Saxafiyiin isugu jirtay weriyaal waa joog hore ah (Ruug cadayaal) iyo qaar isugu jira kuwa dhexe iyo kuwo cusub ayaa loo doortey inay ka mid noqdaan hogaanka cusub ee Nusoj oo ka kooban 14-xubnood.
waxaana wiilasha iyo gabdhaha la doortey lagu doortey Aqoontooda, Xilkasnimadooda, Waaya aragnimadooda, Kartidooda, Hufnaantooda, Wax qabadkooda iyo Daacadnimadooda.
Magacyada masuuliyiinta cusub ee loo doortey Gudoonka iyo Guddiga fulinta e Nusoj ayaa waxay kala yihiin
1-Cabdi risaaq shiikha adduun – Gudoomiyaha Ururka .
2-Cali Ilyaas Cabdullaahi -Gudoomiye ku xigeen
3-Cabdi Aadan guuleed (Caana-geel) -Gudoomiye ku xigeen
4-Cusmaan Aadan Careys – Gudoomiye ku xigeen
5-Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur – Xoghayaha Guud ee Nusoj
6-Cawil Maxamuud Cabdi – Xoghayaha Abaabulka.
7-Faadumo yuusuf Saciid (Taxadar) – Xoghayaha Haweenka
8-Axmed Maxamud Maxamed – Xoghayaha Shaqada
9-Faarxa Maxamed Yuusuf (Lamaane) – Qasnaji
10-Mukhtaar Maxamed Catoosh – xoghayaha tababarada
11-Faaduma Axmed Jaamac – Xogahayaha Dadweynaha
12-Ismaaciil Cumar Madoobe – Xogahayaha Anshaxa
13-khadar Cawil Ismaaciil – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha
14-Axmed Maxamed Cali (Caana geel) – Hanti dhawre
Masuuliyiinta la doortey qaarkood oo halkaasi ka hadley ayaa sheegey inay ku faraxsan yihiin xilalka loo kala igmadey, waxaana ay u mahad naqeen intii codkooda siisay iyo intii kale ee aan dooranba, iyagoo balan aadey inay si daacad iyo cadaalad ah ay ugu shaqeyn doonaan ururka Nusoj, dhinaca kale doorashadaasi oo ku dhacdey si xaq iyo xalaal ah ayaa durbaba waxaa soo hambalyeeyay isla markaana soo taageerey isu tagga xiriirka joornaaliistayaasha caalamka ee loo yaqaano IFJ iyo ururo kale oo isugu jira heer Gobol heer Qaaradeed iyo Caalami.
Beri ayaa lagu wadaa in shirweynahaasi halkiisa laga sii amba qaado, iyadoo laga hadli doono arimo fara badan oo ay ka mid yihiin hawlaha shaqo ee horyaala Nusoj iyo sidii loo dar dar galin lahaa adeegyada uu u xil saaran yahay ururkaasi.
Nusoj oo ah urur saxaafadeed caalami ah ayaa waxaa markii ugu horeysey dhiddibada loo taagey bishii Agosto 2015-ka, waxaana uu ururkaasi ku guuleystey inuu saxafiyiinta Soomaaliyeed uu gaarsiiyo in caalamaka si buuxda looga aqoonsado sidoo kalana uu horseed ka noqdo qabashada saminaaro iyo shirar lagu kala dhigey Dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, iyadoo intaasi ay dheer tahay difaacida iyo taageerida saxafi walba oo Soomaaliyeed.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay