Xudur(INO)- Hay’ada DDG+Danwadaag oo mashaariic Hormarineed kawada Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Xuddur ayaa waxa mashaariicdeeda qeyb ka ah Dayactir lagu sameynayo suuqa caanaha oo ku yaala bartamaha magaalada Xudur.
Suuqa caanaha waxaa la dhisey lixdan sano ka hor wixii ka dambeeyey burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya mahelin wax dayactar ah balse maanta shacabka reer xuddur waxay fursad uheleen in ay dib u hagaajin lugu sameeyo goobihii muhiimka ahaa adeegyada bulshada sida goobihii Waxbarashada, Caafimaadka, Ilaha biyagha, Garoomada iyo suuqyadii duqoowey ee kuyaaley gudaha magaalada.
Sababta keentey in goobihii muhiimka ahaa lahagaajiyo Hay’ada DDG ayaa markii qiimeyn sameyneysey waxa wadatashiyo badan layeelatey maamulka iyo dhamaan ururada bulshada rayidka qeybahooda kala duwan, iyadoona u bandhigtey qorshaha inuu yahay go’aanka iyo doorasha ay leeyihiin shacabka degan deegaanada ay iygu kahowgalaan taas oo ay kaga gedisan yihiin.
Hay’adaha kale oo ay iyagu go’aankooda umadax banaan yihiin, taas ayaa suuragelisey in wax la qabanaayo ay noqdaan wixii loo baahnaa oo shaqsiyaad kale aysan dan gaar ah ugu jirin hayeshee ay tahay dan guud oo laga wada shaqeeyey.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.