Baydhabo(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo saacadaha soo socda uu ka furmi doono shirka Madasha wada-tashiga qaran.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ka furo shirka madasha wada-tashiga, kaasoo noqon doona kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Madaxda Soomaalida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa iyana goor dhow gaaray Baydhabo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana la filayaa in Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ay iyana tagaan.
Ajandayaasha ugu waaweyn ee la filayo in looga doodo shirkan ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda,sameynta guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.
Waxaa shirkan ka qeybgalaya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada iyo xubno kale.
Ciidamada dowladda, kuwa Koofur Galbeed iyo Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka magaalada, iyadoo ciidamada ay baro ciidan ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.
Saraakiisha Amniga Baydhabo ayaa ku soo rogay awaamiir la xiriirta dhinaca amniga inta uu socdo shirka Madasha, waxaana magaalada laga mamnuucay mootada loo yaqaano bajaajta.
Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu wadaa in lagu dhameystiro go’aanadii horay loo gaaray, isla markaana Madaxda isla dejiyaan qorshayaashii fulinta doorashooyinka dadban ee dalka ka dhici doona sida in lagu dhawaaqo waqtiga la qabanayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, labadiisa kuxigeen iyo doorashada Madaxweynaha.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay