Baydhabo (INO)- Waxaa Maalinimadii shalay Magaalada Baydhabo Xarunta gobolka Bay si weyn loogu soo dhaweeeyey Musharax Xildhibaan sacdiyo Cali Shariif oo ka Mid ah musharixinta u tagan Doorashada Ee 2016 in ay ka qeyb noqdaan BFS cusub ee soo socda.
Dadweyne fara badan oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baydhabo Qaar ka mid ah odayasha dhaqanka iyo Siyaasiyiin ayaa musharaxad Sacdiya Cali Isaaq kusoo dhaweeeyey garoonka diyaaradaha Dr. shaati international Airport ee Baydhaba.
Sooo Dhaweyn ka dib waxa ay Musharaxad Sacdiya Cali Shariif u mahadcelisey Bulshadii sida diiran u soo Dhaweysey iyadoo sidoo kale shaacisey iney tahay musharax u taagan ka mid noqoshada Barlamanka cusub ee sooo socda
Musharaxad Sacdiya Cali Shariif Dhanka kale waxa ay ku Amaantey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay horumar uga gaareen dhinaca amniga iyo Sida Ay Musharixiinta ay Xor ugu yihiin in fekirkooda ay Bulshada u Bandhigan.
Col .Aadan Baariyow Oo ka mid ahaa saraakiishii soo dhaweyey Musharaxada waxa uu sheegey in uu wax badan ka yaqaano Sacdiya Cali Shariif ayna tahay qofta mudan in beesha ay ku aaminaan xilkaaasi Qaran.
Gebegabadii munaasabada Soo dhaweynta Musharax Sacdiya Cali Shariif Waxaa ka Hadley Qaar ka mid ah Odayaashii soo dhaweeyey iyo G/ Sare Aadan Doodishe oo kula dardaarmey musharaxad in hadii xilkan ay ku guuleysato ay noqoto Hogaan ay ku Daydaan Siyaasiyiinta kale Oo dib u soo celisa kala dambeyntii iyo horumarkii lagu yaqiiney Degaanada Koonfur Galbed Soomaaliya waxayna Ergada Ay ka Codsadeen in codkooda ay siiyaan musharaxad Sacdiya Cali Shariif.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Wariye Maxamed C/casiis Salaad, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo.