Baydhabo(INO)- Odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Cambaareeyey 14 qof oo rayid ah oo dhawaan lagu dilay Deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay islamarkaana dowladaha IGAD,dowlada federalka iyo AMISOM ugu baaqay in ay arintaasi soo cadeeyaan .
Kadib markii Odayaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle ay ka qaybgaleen kulan loogu tacsiyadeynayey eheladii ay kadhinteen 14 qofood rayid ahaa oo lagu dilay deegaanka Wardiile oo 30 Km dhanka galbeed kagabeegan Magaalada Baydhabo halkaasoo meel u dhow ciidamada AMISOM fariisin ay kulahaayeen lasheegay in uu is ka hor imaad kadhacay in kastoo warar kala duwan ay deegaankaasi kasoo baxayeen maalmihii ugu danbeeyey.
Ugu dambeyntii, Odayaashan ayaa kulan kooda kadib waxay saxaafada u seegeen in ay dhacdadaasi cambaareynayaan islamarkaana dowladaha IGAD,Madaxweynaha dowlada federalka iyo AMISOM ay kadal banayaan in ay soo cadeeyaan wixiidhacay ayna sideg deg ah oga hadlaan.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Baydhabo.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.