Daawo Sawiro: Nabadoon lagu Dilay Muqdisho iyo Dableydii la qabtay

0
208

Muqdisho (INO)—Labo Ruux oo ku hubeysnaa bistoolada ayaa lagu soo waramayaa in ay ku Dileen Nabadoon Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonkan oo magaciisa lagu sheegay Hilowle Xeefoow Xuseen ayaa sida sheegay Dilkiisa waxuu ka dhacay Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxuu xaqiijiyay Dilka Nabadoon Hilowle Xeefoow Xasan.

Guddoomiye Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay labadii Ruux ee Dilkaasi ka dambeysay.

Labada Ruux fuliyay Dilka Nabadoonka ayaa lagu soo bandhigay Degmada Wadajir kadib markii Ciidamada amaanka ay dhaaween inta aysan goobta ka baxsan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa isugu yimid halka lagu soo bandhigay dableydii geysatay Dilka Nabadoon Hilowle.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa waxuu shaaca ka qaaday in dableyda iyagoo dhaawac ah lagu wareejiyay Hay’addaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya.

14971196_10206208030994346_1779222006_n14962815_10206208031154350_1615036027_n14958848_10206208031114349_2118722018_n