Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo Wefdi uu Hogaaminayo Ayaa maanta Soo gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, halkaas si weyn ay ugu soo dhaweeyeen Wasriiro, Odayaasha Dhaqanka iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden Ayaa Dhawaan waxa uu Gaarey Dalka Sacuudi Carbiya halkaasoo uu u tagey Cimro, isagoona intii uu halkaa joogey la kulmey Jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ganacsato u dhashey Dalkaas kuwaasoo kala soo hadley sidii maalgashiyo ugu sameyn lahayeen Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Safaradda Madaxweyne Shariif Xasan ayaa badan, waxaana dadka siyaasadda Falanqeeya ay sheegeen in uusan wax Muuqda ka qabadan Xaaladaha Amaanka, Dhaqaallaha, Hanaanka Maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.