Paris(INO)- Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa maanta Magaalada Paris kula kulmay Hogaamiye-yaasha Diimaha Islaamka, Masiixiyiinta, Yahuudda iyo Budhiistaha ee dalkaasi.
Kulankan waxaa uu ka dambeeyay markii Talaadadii shalay Magaalada Koonfurta Faransiiska ku taala ee Saint-Etienne-du-Rouvray lagu dilay Baadari la sheegay in salaad uu ku qabanaayay.
Hogaamiye-yaasha Diimaha oo kulankaasi ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa waxay ku baaqeen in la xoojiyo ammaanka goobaha lagu cibaadeysto.
Hogaamiye-yaashu waxay muujiyeen sida ay kaga wada xun yihiin weerarkaasi, dhinaca kalana waxay ku baaqeen in loo midoobo argagixisada.
Hogaamiyaha Muslimiinta Faransiiska, Dalil Boubakeur, ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in ay doonayaan in la adkeeyo amniga goobaha lagu cibaadeysto ee dalkaasi ku yaala.
Madaxa Catholic-gada Faransiiska, Andre Vingt-Trois, ayaa dhinaciisa laamaha ammaanka ku booriyay inay dareen gaar ihi u lahaadaan ammaanka goobaha ay dadku ku cibaadeystaan.