Daawo Sawiro: Madaxweyanaha KGS Oo Dalka Sacuudi Carabiya Kula Kulmey Ganacsato U Dhashey Dalkaas

0
712

Jiddah (INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo ku sugan Dalka Boqotooyada Sacuudi Carabiya isla markaana Safarkiisa Waxa ku Wahelinaya Agaasimaha Madaxtooyada Cali Shaamey  ayaa Maanta la kulmey Ganacsto U dhashey Dalkaas kuwaasoo doonaya inay maalgashiyo ay ku sameeyaan Xoolaha Nool ee Degaanada Dowlada KGS.

Labada dhinac ayaa waxay isla garteen Qobobadii ay ka wada hadleen isla markaana Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa ku booriyey Ganacsatadda dalka Sacuudig carabiya inay Maalgashiyo ay ku sameeyaaan Xoolaha Nool ee Koonfur galbeed Soomaalia, isla markana Madaxweynaha waxa  uu sidoo kale xusey in Dadka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin Xoolo dhaqato beeraley oo u baahan maalgashiyo.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa doonaysa inay sameysato mustaqbalka dhow dekad laga dhoofiyo Xoolaha Nool isla markaana la geyn doono wadamada Khaliijka Carabta sidoo Kale  lagana soo dajin karo dhamaan Agabyada ay u baahan yihiin Shacabka KGS isla markaana ay adeegsan doonaan Ganacsatada KGS.

Si Kastaba aha haatee,  Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa  sanad Weliba Soomaaliya waxay ka qaadataan tiro badan oo  Xoolo ah kuwaasoo isugu jira Geel, ari iyo Lo’da intuba.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Dib ugu soo laabto Soomaaliya 11 TH – July 2016.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.