Muqdisho (INO)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay qirtay in Jab xoogan uu kasoo gaaray weerarkii ay saakay ku qaaden Xerada ciidamada ethiopia deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyada ayaa sheegtay in laga dilay 110 dagaalyahaano oo ka mid ahaa kuwii weeraray deegaanka Halgan.
Dilka 110-ka dagaalyahaano ee Al-shabaab ayaa yimid kadib markii ciidamada ethiopian ah ay ugu galeen Tog weyn oo ku yaalo deegaanka Halgan, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ciidamada dilay 110-ka dagaalyahaano, ayaa ka cararay weerarka waxa ayna ku dhuumanayeen Togaasi, balse waxaa soo degdegtay geerida maleeshiyadaasi.
Shabaabka waxa ay sheegeen ka hor inta aanan la dilin 110-kaasi maleeshiyo inay dileen Askar badan oo ethiopian ah waa sida hadalka ay u dhigeen.
Afhayeenka dhinaca howlgallada Al Shabaab Sheekh Cabdicasii Abuu Muscab oo u warramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in 43 Askari oo Ethiopian ah ay ku dileen weerarkooda iyagana looga dilay weerarka 16 dagaalyahanadooda weerarka qaaday ka mid ahaa.
Dhinaca kale, Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Ethiopia Getachew Reda oo isna u warramay Telefishinka CNN-ka ayaa sheegay in Al Shabaab weerarka ay ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ay ku fashilmeen sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay gaarsiiyeen Dagaalyahanada Al Shabaab khasaaro ba’an isagoo carabka ku adkeeyay in 101 Dagaalyahan ay ka dileen ayna ka furteen Hub fara badan oo Madaafiicda goobta ay ka mid yihiin.
Tani waxa ay imaaneysaa xili maleeshiyaadka Al-shabaab ay qarin jireen Khasaaraha ka soo gaara dagaalada ay la galaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, balse tani ayaa muujinaysa baaxada dagaalka.
Idale News Online, Halgan