Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliiya Mudane Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Maanta kulan la yeeheey Gollaha Wasiiradda Dowlada Iyo Xildhibaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kullanka ayaa waxa uu ka dhacey Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sidoo kale Gudoomiyaha Kullankaas uu la Qaatey Xildhibaanada Baarlamka Iyo Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaliya Ku Wehlinayey Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.
Kullanka Waxa diiradda lagu saarey sidii looga diyaar garow lahaa, Marti galinta Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Ee la filayo inuu ka ka dhaco Magaalada Baydhabo Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay.
Kullanka waxa la isku way daarsadey Fekrado kale Gedisan isla markaana waxa la isku afgartey in laga wada shaqeeyo Soo dhaweynta Martida Qaran iyo Kuwo beesha Caalamka.
Si kastaba ha ahaatee Masuuliyiin ka tirsan dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iyagu sheegay in Arbacada soo aadan oo ku beegan 22-ka bishaan Jun la filayo in uu furmo Shirka.
Ugu dambeyntii, Madaxda Hogaamiyaasha Qaranka ayaa la sheegey in Qodobada aadka ay dhinacyadu isku mari la’yihiin waxaa ka mid ah Maqaamka ay leedahay Magaalada Muqdisho iyo gudiga farsamada doorashada.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay