Daawo Sawiro: Eng. Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan oo Shaaciyey Inuu yahay Musharax u Taagan Xildhibaanimada DFS Ee Beesha Hubeer

0
530

Baydhabo(INO)- Aqoonyahan Eng. Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan oo hataan ah Wasiirka Shaqadda Iyo Shaqaallaha Dowlada Koonfur Galbeedka Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu kamid noqdo xildhibaanada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Doorashada 2016 Ee Beesha Hubeer.

Kulan lagu Shaacinayey isla markaana lagu taagyeerayay siyaasiga Aqoonyahanka ah oo doonayo inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa Maanta lagu qabtay magaalada Baydahbo ee Xarunta Gobolka Bay.

Nabadoonadii ,Xildhibaanadii iyo Waxgaradkii Beesha ee taageerada iyo Kalsoonida u muujiyey Musharaxa Xildibaanka Cusub ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/laahi Cabdi Shoobey,Xildhibaan Hore Madkariin Sh. Maxamed, Musharax Xasan Cabdi Nuur Maxamed (Xasan Xiifow), Aqoonyhan C/weli Deerow, Samadoon Xaaji  Goday, Samaadoon Shariif Xaaji, Samadoon Xasan Isaaq iyo C/qaadir Xasan Shurre oo ka mid ahaa Ragga  ka wakiilka ahaa Musharax Xildhibaan Eng. Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan.

Dadkii kala duwanaa ee Munaasabada ka hadlay ayaa sheegeen in ay taageersan yihiin ayna ku garab taagan yihiin Mudane Eng. Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan in uu kamid noqdo Baarlamaanka Federalka Soomaaloiya Cusub uuna u matalo Beesha uu kasoo jeedo.

Musharax Mudane Eng. Jaylaani Sheekh Maxamed Oo Wakiilkiis isna kulan ka hadlay ayaa ka waramay waxqabadkiisa mustaqbalka iyo Aqoontiisa, waxa uuna tilmaamay hadii uu ku guleysto gursigaan baarlamaanka Soomaaliya in uu waxbadan ka qaban doona noolasha aas aasiga ah sida waxbarashada,cafimaadka iyo horumarinta reer-miyga.

Waxaana Wakiilkiisa Hoosta Ka Xariiqay uuna balanqaaday in uu wax badan qaban doono haddii uu ku guuleysto kursiga Baalamaanka Soomaaliya uu hada u tartamayo, waxa uuna ka codsaday xubnaha beeshiisa in ay ku taageeraan sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhisayo sanadkan.

Kulankan lagu Shaacinayey isla markaana lagu taageerayay Musharaxa Xildhibaanka 2016-ka ayaa jawi heer sare ah kusoo dhamaaday , waxaana Musharaxa Mudane Eng. Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan uu maanta helay kalsoonida beeshiisa ee ku dhaqan Koonfur Galbeed Soomaaliya in uu ku matalo Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Musharaxaan ayaa wuxuu noqonayaa Musharixii ugu aqoonta badnaa isla markaana leh khibrad sare ee isku soo taago xilka baarlamaanka Federalka Soomaaliya 2016 ee Beesha Hubeer.

Halkan Ka Daawo VIDEO Khudbada Xildhibaan Shoobey.

  Halkan Ka Wakiilka Musharax Eng. Jaylaani

Halkan Ka Daawo Samadoon Xaajo Goday.

 Halkan Ka Daawo Sawiradda.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.