Baraawe(INO)- Degmada Baraawe Ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya waa degmo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, inkastoo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay hadda si ku meel gaar ahi kaga hawlgasho Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Bay.
Degmada Baraawe, ayaa soo gashay gacanta Dowladda Federalka Somaliya bilowgii bishii October ee sanadkii 2014-ka, ka dib markii Ururka Al Shabaab loogala wareegay bilaa dagaal.
Suxufiyiin booqasho ku tagtey Degmadaasi, ayaa waxay soo sheegayaan in waqtigan uu soo hagaagaayo ammaanka Degmada Baraawe, isla-markaana ay si buuxdo kaga hawlgalaan Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo AMISOM.
Baraawe oo magaalo xeebeed ah, ayaa waxay leedahay deked caalami ah, inkastoo aanay si dhameystiran u hawlgelin, balse waxaa jira agabyo laga dhuufiyo, sida dhuxusha oo kale, iyadoo agabyo aan buurnayna lagala soo daggo.
Sidoo kale Suuqa Degmada Baraawe oo dhaq dhaqaaqyo ganacsi ay ka jiraan, ayaa waxaa loo iib geeyaa ganacsiyada kala duwan ee laga qaado suuqyada magaalooyinka dalka iyo weliba dalagyada ka soo go’a beeraha Gobolkaasi Shabellaha Hoose.
Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Cali Aadan (Najax), ayaa xilligan hawlo shaqo u joogga Degmada Baraawe.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
Idale News Online, Baraawe