Daawo Sawiro: Beesha Erdho Oo Ka Shirtey Soo Xulista Xildhibaanada BFS Ee 2016

0
221

Muqdisho(INO)- Iyadoo loo diyaargaroobayo Doorashada Soomaaliya 2016 laguna soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka badeli doona Baarlamaanka haatan jira ayaaa beelaha Soomaaliyeed waxa ay ku mashquulsan yihiin soo xulista Xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka Hoose .

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen oo isla markaana horkacayey Malaaq Siidow Muuse Maadow, Waxgaradka, Nabadoonada, Salaadiinta ,Culumaudiinka , Siyaasiyinta, Haweenka iyo Dhalinyarada ee Beesha Erdho Oo Ka Dhacey Muqdisho ayaa looga arinsadey Xaalada Siyaasadeed ee haatan dalku marayo iyo sidii Beeshaas ay door muhiim uga qaadan lahayd Geedi socodka Doorashooyinka ee dhawaan bilaaban doona ,

Kulankan oo xubnihii ka hadlay  ayaa waxay soo dhaweeyeen abaabulka iyo isu diyaarinta doorashada 2016 ee Beesha Erdho waxaa ay hoosta ka Xariiqeen in beesha mudooyinkan dambe ay wadey kulamo ku aadan sida ay beesha u soo xulan lahayd Shaqsiyaadkii u matali lahaa Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa uu ku dhamaadey jawi is af garad ah maadaama malaaqa uu cadeyey inuu ku maamulaayo soo xulida ergada sharuudaha hananka doorashada uu tilmaamey.

Ugu dambeyntii, doorashooyinka xildhibaanada ayaa sanadka ka duwan sidii hore oo la isku soo magacaabi jirey sharciga cusub ayaa haatan waxaa uu dhiagayaa intii laga gaaraayo doorasho qof iyo codkii in xildhibbaanada ay soo doortaan ergoon ka socda beelaha.

Halkan Ka Daawo Sawiro

010203