Daawo Sawirad:xaflad lagu taageerayay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Australia

0
201

Xaflad ballaaran oo si qurux badan loosoo agaasimay laguna taageerayay madaxda dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa ka dhacday magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Xafladda oo ay soo agaasintay jaaliyadda Koonfur galbeed Soomaaliya ee magaalada Melbourne ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahano, indheergarad iyo haween kuwaasoo ay kamid ahaayeen, Malaaq Cali Xaaji Mukhtaar, Aweys Sheekh Muxidiin, Isaakh Unishef, Ismaaciil Gaabow, Jamiilo Nuur Jileey iyo kuwo kale oo badan.

Xafladda ayaa intii ay socotay waxaa khadka teleefoonka kaga qayb qaatay madaxweyne Madoobu Nuunow Maxamed iyo kuxigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.bandicam-2014-03-09-15-17-01-0061-300x158bandicam-2014-03-09-15-21-29-4351-300x166bandicam-2014-03-09-15-17-20-653-300x158bandicam-2014-03-09-15-17-14-0341-300x158bandicam-2014-03-09-15-24-02-1981-300x166